Jump to content

Kaneeco

Ka Wikipedia
Kaneeco
Kaneecada keenta xanuunka Kaduudiyaha
Kala soocida cilmiga ah
Boqortooyo: Xayawaan
Faylam: Arthropoda
Gacalka: Insecta
Dirka: Diptera
Bahka: Culicidae
Kaneeco

Kaneeco (Af Carabi : arAf Ingiriis : Mosquito) waxay ka mid tahay cayayaanka yar yar ee duula, ee baalasha leh, dhadigeeduna uu dhiiga jaqo, waana cayayaanka dhiig cabida caanka ku ah, taasoo keenta dhibsi soo laalaabashadeeda badan iyo qayladeeda oo dadka qaar ay ka sasaan, waxay keenta xanuuno ay ka mid yihiin malaariyada, sidoo kale waxay cuntaa noolaha iyo shimbiraha, kaneecada ayaa ka dhalata biyahay iyo cawaska, , mida dhadig oo kaliya ayaa jaqda dhiiga si ay ukumo u samayso halka labku uu ku noolyahay dhacaanka geedaha iyo ubaxa. kaneeco, aduunka meelkasto waa ay joogtaa. laakiin waxee u badan tahay, afrika.

Kaneeco cunaysa Xamaarato

Dooqa kaneecada

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waa arrin jirta in kaneecadu ay dadka qaar ka hesho, kuwa kalane ay neceb tahay inay qaniinto.

Sida la ogyahay, kaneecadu qofka iskama qaniinto, waxay qaniintaa kaliya markay u baahan tahay dhiig bini'aadan si ay ugu bacriso ukumaha ay xambaarsan tahay. Alle wuxuu kaneecada siiyay awood aragti iyo mid urin heer sare ah oo ay ku kala soocato dadka ay u baahan tahay inay dhiiga ka nuugto.

Sidaas awgeed, dhiigga ay u baahan tahay waa inuu noqdaa dhiig iyada iyo ukumaheeda caafimaad u leh oo ay xiisaynayso, sida qofkaba uga fogaado cunnooyinka qaar oo uusan ka helin ama uu dhibsanaayo.

Kaneeco dhadig oo Gacan bin aadan cunaysa, Tasmania Australia

Maxay tahay waxa ay qofka ku doorato?

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waa su'aal aad u muhiim ah oo cilmibaarayaashu ku bixiyeen waqti dheer si ay u ogaadaan sirta ka dambayso arrintaan, way jiraan waxyaabo la ogaaday, laakiin waa arrin weli u baahan in si qoto dheer ah looga sal gaaro. Hiddaha: Boqolkiiba 85% waxaa mas'uul ka ah genes-keena ama hidda raaceena ama abuursiteena. Dufanka Kolestaroolka: Dufankaan hadduu ku badan yahay maqaarka waxaa la arkay in kaneecadu ay aad u jeceshahay, laakiin qasab ma ahan in haddii dhiigga laga baaro in kolestaroolkaagu kacsanaado. Aashitada Uric / Uric Acid: waa walax kale oo jirka soo saaro, qofkii ay ku badan tahay, waxaa la arkay in ay kaneecadu jeceshahay, waana wax ay aad u uriso. Hawada Carbon-ka: dadka soo saaro hawadaan "carbon dioxide"-ka iyadane aad ayay u jeceshahay inay soo ag dhoobato. Aashitada Lactic / Lactic Acid: waa maaddo jirka uu soo saaro, dadka qaar ayaa dhididkooda maadadaan aad looga helaa, waxayna ka mid tahay waxyaabaha kaneecad soo jiito. Nooca dhiigga: Inkastoo dhiig walba ay kaneecadu nuugto laakiin waxaa la arkay inay aad u sii jeceshahay dhiigga nooca "O" Khamriga: waxaa la arkay in kaneecadu ay jeceshahay in ay cunto dadka caba khamriga nooca "beer-ka" loo yaqaano. Cudurka: cudurrada qaar qofkii qabo ma cunto kaneecada iyo haddii qofku ay ku badan tahay bakteeriyada qaar oo mas'uul ka ah inay soo saarto walxo laga carfin karo dhididka qofka. Dharka: waxaa la arkay in kaneecadu ay soo jiidato midabka madawga iyo gaduudka, marka dadka labisan dharka midabadaas leh, kaneecada way soo jiitaan.

Intaasi waa inta illaa iyo haddal ogyahay, laakiin cilmibaarisyo kala duwan ayaa socda si warbixin dheeraad ah looga helo sirtaan.

Fadlan haddii aad tahay dadka kaneecadu jeceshahay, ka xiro sansayeeri ama shandarawad si aysan kuu qaniin, isticmaal kareemyada ama saliidaha la marsado oo ay kaaga carari karto, qolka ama guriga ku qiiqi geedaha qaar ay aad u necebtahay sida geedka baxar-saafka.[1]


Qaylada iyo qaniinyada kaneecada

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

maxay kaneecadu ugu qaylisaa dhagaheena iyo maxaa qaniinyadeeda loo dareemaa markay dhiigga kaa nuugto kaib?,

  • Marka hore kaneecadu ma qayliso, codka aad maqlayso waa gariir cod leh oo ka imaanayaa garaacista baalasheeda marka ay duulayso, mar walboo ay dhagahaaga u soo dhawaatane codka wuu kordhaa, markay kaa sii socotane wuu sii yaraadaa, waana sababta aysan dadku u jecleen qayladaas.

Markay kaa fogtahay ma maqlaysid iyo markay fadhiso oo aysan duulaynin, waxaa badanaa qeylada maqlaysaa markaa jirka oo idil daboolatid oo madaxa banaysatid maadaama ay raadinayso meel banaan oo ay ku dagto si ay kuu qaniinto, marka kaneecadu uguma talagalin in dhagahaaga ay soo abaarto oo ku qayliso, taasi waa muhiim in aad ogaatid.

  • Kaneecadu markay ku qaniinayso waxay qofka ku durtaa calyadeeda, taasoo u leh labo faa'ido:

1-aad waxay calyadeedu leedahay kabaabiso aadan ku dareemi karin in ay dhiig kaa nuugayso, markay dhamaysato kadib ayay kabaabisadii kaa baxaysaa oo aad dareemaysaa, 2- tan labaadna waxay tahay in calayada kaneecadu ay leedahay wax milo ama jilciyo qulqulka dhiigga si ay ugu sahlanaato nuugista dhiggaaga.[2]

Dhimashada ay keento

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Kaneecadu waa xayawaanka u sabab ah dhimashada dadka ugu badan dunida, waxaa la qiyaasaa ku dhawaad 1 million oo qof in ay dhintaan sanad kasta, Kaneecadu waxay keentaa inta hadda la ogyahay 14 xanuun oo ay ugu horayso Malaariyada/Duumada, xanuunada kale oo soomaalidu taqaano ama maqashay waxaa ka mid ah: Kaduudiyaha, Xanuunka Zika, Xumada denque, Indho-caseeyaha "Yellow Fever" iyo kuwa kalaba.[3]

  1. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2018-12-25. Soo qaatay 2016-06-11.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  2. https://www.facebook.com/HealthySomalia/photos/a.281507191973039.1073741828.267758590014566/365726893551068/?type=3&theater
  3. https://www.facebook.com/HealthySomalia/photos/a.281507191973039.1073741828.267758590014566/365127023611055/?type=3&theater