Dhulku waa meereha kaliya ee nolol ka jirto dhamaan meereyaasha aan naqaano.
Waxa lagu qiyaasaa meeraha dhulka in da'diisu ku dhowdahay 4.5 bilyan oo sanno.
Dhulka isku-wareegiisa (Circumference) waa 40,007.86 km marka laga xisaabayodhul badheha, sidoo kale baaxada guud ee oogada dhulku waa 510,072,000 km2 - taas oo ka kooban 148,940,000 km2 dhul ama caro iyo dhagax ah una dhiganta 29.2 %; iyo 361,132,000 km2 biyo iyo bad ah, taas oo u dhiganta 70.8 %.
Muga dhulku waa 1.08321 ×10 12 km3 halka cufka meeraha dhulku yahay 5.97219 ×10 24 kg.
Sidoo kale, miisaanka cuf ee dhulku waa 5.515 g/cm3, halka cufisjiidadkadhul badhehu yahay 9.780327 m/s2 taas oo u dhiganta 0.99732 g.
Cadaadiska dunidan waa 101.325 kPa (MSL).
Heerkulka oogada sare ee dhulku waa meel dhexaad taas oo ah mida taageertay in nolol ka jirto meerehan. Kulka iyo qaboowga dhulku wuu kala duwan yahay ayadoo Cidhifyada (polars) oogu heerkul hooseeyo taas ka dhigtey qaboow badan, laakiin meelaha ku beegan dhul badheha ayaa ugu heerkul sareeya dunida.
Guud ahaan, heerkulka dunidu marka ugu hooseeyo wuxuu gaadhaa 184 K ama −89.2 °C, dhex-dhexaad markuu yahay heerkulku waa 15 °C ama 288 K, marka uu ugu sareeyo kuleeylku wuxuu gaadhaa 56.7 °C ama 330 K.
Cirka ama Samoda sare ee dunidan aan ku nool nahay waxay ka sameeysan tahay 78.08% curiyehanitrojiin (N) taas oo ah hawo, 20.95% ogsajiin (O),
0.93% argon, 0.039% Kaarboon-labo-ogsaadh (C2O) iyo qiyaastii 1% uumi biyo ah (in kastoo mararka qaar kala duwan tahay cimilodu).
Meeraha dhulku wuxuu sameeyaa labo wareeg: mid uu ku wareego xariijintiisa taas oo loo yaqaano Sidereal rotation period oo ah habeen iyo maalin. Wareega labaad dhulku wuxuu ku sameeyaa qoraxda waxaanay ku qaadataa 365.25744. (SII AQRI)
Wikipedia (loogu dhawaaqo ˌwiˑkiˈpidi.ə). Waa bar laga helo Web-ka oo ah Qaamuus qoran. Waxaa qorey dad iskood ugu qora luuqadadooda oo aan dawlad ama haayadi diran. Qofkwalba oo guriga khatka internetka ku heysta, yaqaanana sida loo isticmaalo wuu ka qeybqaadan kaaraa Qaamuuskan oo sidii cilmi Soomaaliga ku qoran loo soo gelin lahaa halkan. Arintan oo la bilaabay 2001 Ingiriiskuna (english) ugu horeysey ayaa waxaa ku xigey luuqado badan oo kuwa ugu waaweyn ay yihiin Jarmal , Faransiis , Isbanish iyo Talyaani.
Taariikhdu markii ay ahayd 18/01/2012 ayaa waxa hawada ka baxay wikipedia laakiinse isla maalin ka bacdiba waa ay ku soo noqotay hawada.
Wikipediyahaan waxaa ku qoran Af-Soomaali. waxaa la bilaabay 2001, hadda waxaa ku jirto in kabadan 8,104 oo maqaal. Luqadaha kale oo ugu waa weyn hoostaan ee ku tixanyihiin